Colombia: Askar lagu dilay weerar loo adeegsadey qarax

Image
Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Gustavo Petro.

BOGOTA, Colombia - Ugu yaraan todoba askari oo booliis ah ayaa ku geeriyootay weerar loo adeegsadey bambaano oo ka dhacay galbeedka Colombia, sidda uu shaaca ka dhigay madaxweyne Gustavo Petro.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado ciidamada ammaanka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay isagoo ballan qaaday inuu soo afjari doono colaadda socota in ku dhow 60 sano.

Ilo-wareedyo ka tirsan Boliska ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in Askartan la dilay Jimcihii kadib markii Gaari ay la socdeen lagu dhuftay Walxaha Qarxa.

Petro, oo hore uga tirsanaa dhaqdhaqaaqa fallaagada M-19, ayaa ballan qaaday inuu raadinayo "nabad guud" isagoo dib u bilaabaya wadahadallada uu la leeyahay jabhadda Xoreynta Qaranka (ELN).

Heshiis nabadeed ayuu ka codsadey 2016 oo lala galo dagaalyahanadii hore ee Ciidamada Qalabka Sida ee Kacaanka sida Colombia (FARC) oo diiday in laga wada xaajoodo u gacan gelinta kooxaha dambiilayaasha si loogu beddelo xukunnada la dhimay.

Mucaaradka ayaa diiday heshiiskii nabadeed ee ay ka wadahadleen hoggaankoodii hore waxayna tiradoodu ahayd 2,400 oo dagaalyahan, sida ay dawladdu sheegtay.

Dhowr hoggaamiye oo mucaarad caan ah ayaa dhawaan lagu dilay, kuwaas oo intooda badan lagu khaariyey dagaal ka dhacay xuduudka ay Colombi la wadaagto Venezuela.

Colaadda Colombia ee u dhaxaysa dawladda, fallaagada garabka bidix, kooxaha garabka midig iyo kooxaha daroogada ayaa dilay ugu yaraan 450,000 qof intii u dhaxaysay sanada kala ah 1985 ilaa 2018 oo keliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM