Colombia oo joojisay dhuxushii ay u dhoofineysay maamulka Yahuuda

Image
Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in talaabadan ay la xiriirto xasuuqa Gaza.

DOOXA, Qadar - Dowladda Colombia ayaa si rasmi ah u ansixisay mamnuucidda dhoofinta dhuxusha ee Israel si loogu ciqaabo dagaalka xansuuqa ah ee ay muddada tobanka bilood ah ku hayso Falastiiniyiinta Gaza.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay "Dhuxusha Colombia waxaa loo isticmaalaa bambooyinka lagu dilo carruurta Falastiiniyiinta."

Haddaba, “Dhoofinta Dhuxusha Kulul ee Israa’iil” waa mamnuuc, sida lagu sheegay wareegtada, oo ay saxiixeen xubnaha golaha wasiirada xukuumaddiisu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM