Colombia oo qabatay nin ay si weyn ugu raadjoogtey

Image
Qof soo sheegay goobta uu ku sugan yahay "dambiilaha" ayaa la siiyey aduun dhan $800,000 doolarka Mareykanka.

BOGOTA, Colombia - Ninka daroogada ka ganacsada ee dalka Colombia oo si weyn loo baadi goobayay ahna hoggaamiyaha kooxda dambiilayaasha ee ugu weyn waddankaas ayaa gacanta lagu dhigay.

Dairo Antonio Ugasuga, oo ku magac-dheer Otoniel, ayaa la qabtay kadib hawlgal ay si wadajir ah u sameeyeen milatariga, ciidanka cirka iyo booliiska Sabtidii.

Dawladdu waxay siisay abaalmarin dhan $800,000 (£ 582,000) qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay, halka Maraykanku madaxiisa dul saaray aduun lacageed $5 milyan.

Madaxweyne Iván Duque oo si weyn ugu dabaaldegay soo qabashadda ayaa farriin muuqaal ah oo telefishanka laga sii daayay ku ammaanay gacan kusoo dhigida Otoniel.

"Tani waa dharbaaxadii ugu weyneyd ee ka dhan ah ka ganacsiga daroogada ee dalkeenna qarnigan," ayuu yiri. "Dhabar -jabkani wuxuu la mid yahay uun dhicitaankii Pablo Escobar 1990 -yadii".

Otoniel ayaa lagu qabtay miyiga uu ku dhuumanayo ee gobolka Antioquia ee waqooyi-galbeed Kolombiya, una dhow xadka Panama. Hawlgalku waxaa ka qayb qaatay 500 oo askari oo ay taageerayaan 22 helicopter. Hal askari oo boolis ah ayaa dhintay.

Otoniel ayaa adeegsaday xeelado kala duwan si uu uga baxsado mas'uuliyiinta, mana uusan isticmaalin taleefan, taa beddelkeed wuxuu ku tiirsanaa wariyeyaasha isgaarsiinta.

Todobaadkii lasoo dhaafay, taliska booliiska ayaa waxay ka heleen joodariyado qaas u ah Otoniel kaasoo dhabar-xanuun la nool. Taliska booliska wuxuu caddeeyay in uu ku dedaalayo baaris sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM