Colombia: Tobanaan ruux oo ku naf-waayay bas rogmaday

Image
Booliska oo baaritaan ku sameeyay ayaa soo bandhigay natiijo horudhac ah oo sababtey dhacdadan.

BOGOTA, Colombia - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo Sabtidii ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Pasto iyo Popayan ee koonfur-galbeed ee Colombia.

Shilkan ayaa, sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska waddankaas, wuxuu ka dambeeyay ka dib markii uu baska ku rogmaday waddada Pan-American Highway.

Baska ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalada dekedda leh ee Tumaco, oo ku taal koonaha koonfur-galbeed ee Colombia, iyo Cali, oo 320 kiiloomitir (200 mayl) ka xigta waqooyi-bari markii ay shilku dhacay.

"Nasiib darro, waxaan haynaa dhimasha 20 qof," ayuu yiri Capt. Albertland Agudelo oo ka tirsan waaxda Narino bilayska waddooyinka kaasoo u waramay warbaahinta gudaha.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Agudelo ayaa wuxuu raaciyey: "Male-awaalka la baaray ayaa ah in ay u muuqatay in cillad farsamo ay soo gaartay baska kahor inta uusan rogman.

Sawirro laga soo qaaday telefiishanka Colombia ayaa muujinayay bas uu ku rogmaday waddada horraantii Sabtidii isla markaana kooxda gurmadka degdeg ah ay gaareen meesha ay wax ka dhaceen.

Colombia oo kamid ah wadamadda ku yaala Koonfur Ameerika ayaa waxaa ku badan shilalka noocaan ah waxaa aalaaba loo aaneeyaa darawalada oo xawaareeya iyo waddooyinka oo u badan kuwa buuraley ku dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM