​Congo oo loo dareeray doorashada madaxtinimada

Image

Dadka ku nool waddanka Congo ee Afrika ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo Axad ah, si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee dalkaasi yeelanayo.

Codbixinta ayaa wararku sheegayaan inay goor hore oo saaka ah bilaabatay, iyadoo la jaray isgaariisnta goobaha codka laga dhiibanayo, waxaana arrintaasi loo aaneeyay ka fogaanshaha shaqaaqooyin dhici kara.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa baahisay in danbinta isgaariisnta uu amray wasiirka arrimaha gudaha waddankaasi muddo 48-saac ah, oo ah inta doorashada lagu guda jiro.

Falan-qeeyaasha siyaasadda dalka Congo ayaa saadaalinaya in doorashada uu ku guulaysan karo Madaxweynaha talada haya ee Denis Sassou Nguesso, kaasi oo kamid ah musharaxiinta u loollamaya hogaaminta dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM