Congresska Maraykanka oo casilay Gudoomiyahoodi

Image

WASHINGTON - Aqalka golaha sharci dajiyayaasha Maraykanka ee Congresska ayaa xilkii ka xayuubiyay Kevin McCarthy oo ahaa gudoomiyaha golahaasi.

Tan ayaa ah markii koowaad ee taariikhda Maraykanka uu Barlamaanku xilka ka xayuubiyo hogaamiyahooda.

116 xubnood ayaa kala laabtay codka Kalsoonida halka 110 xubnood ay doonayeen in uu sii hogaamiyo Congresska xubintaan dimuqraadiga ah.

Congresska ayaa gudoomiye kumeel gaar ah u doortay xildhibaanka dimuqraadiga ah, Patrick McHenry oo kaasi oo laga soo doorto gobalka North Carolina isla markaana xubin ka ahaa golaha tan iyo 2005.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa sheegay in uu Confresska kala shaqaynayo in ay doortaan hogaankooda.

Xisbiga Dimuqraadiga oo haysta Aqlabiyada labada aqal ayaa ka fakaraya qofka ay u sharaxaan hogaanka Congresska iyada oo haatan ay soo baxayaan magacyada dhawr qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM