Coronavirus oo haleelay Trump iyo marwada koowaad ee Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Jimcada manata ah shaaciyey in isaga iyo mar-xalada koowaad Melania Trump laga helay safmarka Covid-19 markii qof ku dhow uu soo ritay xanuunkan faafa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku tibaaxay in ay geli doonan karantiil si ay deg-deg uga soo kabtaan fayruska.

Ku dhawaaqida ayaa timid saacado kadib markii Hope Hicks, mid kamid ah lataliyeyaasha aadka ugu dhow Turmp, laga helay Coronavirus.

"Madaxweynaha iyo marwada koowaad waqti xaadirkan waa kuwa wanaagsan, waxaana ay qorsheynayaan in ay ku negaadan hoygooda ku dhexyaala Aqalka Cad, iyagoo karantiil gelaya," Sean Conley, dhakhtar ka tirsan Hoyga looga arimiyo waddanka Mareykanka, ayaa sidaas ku sheegay war-saxaafadeed.

Warkaan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo Mareykanka u diyaar-garoobayo doorashadda loo madalsan yahay in ay dad coddeeyeen 3-da November.

Trump ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay wuxuu ka qeybgalayey isu soo baxyo siyaasadeed kuwaasoo uu kula hadlayey taageereyaashiisa.

Xaalada cusub ee lasoo gudboonaatay waxay ka dhigan tahay in uu baajin doono isu soo baxyo kale oo qorsheysanaa si lamid ah doodo kale oo horleh.

Donald Trump ayaa hogaaminayey qaar kamid ah madaxda caalamka ee aadka u dhayal-saday khatarta Coronavirus, waxaana ay fagaareyaasha kasoo muuqan jireen iyagoo aan waddan af-saabka oo kamida qaabka looga hortago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM