Coronavirus oo laba magaalo ku dilay ugu yaraan 50 Soomaali ah

Image

LONDON, Britain – Ugu yaraan 50 qof oo Soomaali ah ayaa magaalooyinka London iyo Birmingham ugu geeriyootay fayruska Corona, sidda ay muujineyso xog-uruurin cusub oo lasoo bandhigay.

Xisbiga haya talada boqortooyada Ingiriiska oo macluumaadkaas soo bandhigay ayaa sheegay in Soomaalida ay kamid yihiin qurba joogta ugu badan ee caabuqaas sida fudud u faafa uu galaaftay.

Magaalooyin kale ayaa dhimasho dad Soomaali ah laga sheegay, balse London iyo Birmingham waxaa lagu qeexay kuwa ugu badan.

Tani ayaa macnaheedu yahay in ay aad u sareyso dadka laga tirada badan yahay ee ku nool UK ee u dhimanaya cudurka safmareenka ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay badato tirada la hayo.

Ra'iisul wasaarihii dowladdii ku meelgaarka ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] ayaa kamid ah dadka u dilay Covid-19.

Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in aysan raacin talooyinka caafimaad ee looga badbaadiyo karo in uu kusoo rito fayruska. Sababtaas ayaanna lagu sheegay in ay badiso geerida.

Tirada kiisaska Corona ee Britain ayaa ku dhow 115-kun, halka dhimashadda ay ka badan tahay 15-kun, ma jirto soo kabasho.

Guud ahaan caalamka, wuxuu ku dhacay in ka badan laba milyan oo ruux; waxaa u dhintay in ka badan 161-kun; dadka kasoo bogsoonaya waxay kor-u-dhaafayaan 602, sidda ku cad warbixinta cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM