Covid-19 oo baqdin ka abuuray shirka kooxda G7 ee London

Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Dhamaan waftigii ka socday Hindida ahaa ee ugu sugnaa Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska wadahadalada shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 waxay hay'adda caafimaadka UK ka codsatay inay is-karantiilaan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar, ayaa shaaca ka dhigay "in uu ku baraarugsanaa soo ifbixidda kiisas la xiriira fayruskan halista badan.

Jaishankar ayaa wuxuu si shaqsi ah ula kulmay Xoghayaha Arimaha Gudaha Uk, Priti Patel, maalintii talaadada, balse hada wuxuu dhaqan-gelin doonaa dhamaan kulamada qorshaha ugu jiray.

Hindiya ayaan xubin ka ahayn kooxda G7 oo ah wadamadda hoddanka ah ee guud ahaan aduunka, laakiin wufuud ka socota waddankaas ayaa lagu casuumay marti ahaan.

Diblumaasi sare oo reer UK ah ayaa, sida ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah, wuxuu tibaaxay in ay "aad uga xun yihiin" Mr Jaishankar in uusan si shaqsi ah uga soo qeyb geli karin kulanka.

"[Isagu] hadda wuxuuu kaga soo qeybgeli doonaa qaab fogaan arag ah, laakiin tani waa sababta dhabta ah ee aan u diyaarinnay hab maamuus adag oo Covid ah iyo baaritaan maalinle ah," ayuu raaciyay diblomaasiga.

Kooxda G7 - oo ah toddobada qaran ee ugu weyn adduunka dhinaca dhaqaalaha ugu horumarsan - ayaa waxay ka kooban yihiin UK, Canada, France, Germany, Italy, Japan iyo Mareykanka.

Shirka rasmiga ah ee ay ka kooban yihiin hogaamiyaasha G7 ayaa ka dhacaya Cornwall bisha soo socota, laakiin wasiiro arrima dibadeedyadda ayaa hada ugu sugan UK wadahadalo saddex maalmood soconaya.

Wadaxaajoodyadda todobaadkan waa shirarkii ugu horeeyey ee fool ka fool ah ee ay yeeshaan awoodaha G7 in kabadan laba sano tan iyo markii uu dilaacay safmareenka dunida kala xiray ee Coronavirus.

India oo hada si xun uu ugu faafay Covid-19, Australia, South Korea iyo South Africa ayaa waxaa lagu casuumay in shirka ay kaga soo muuqdaan qaab marti ahaan iyaddoo Britain ay isku dayeyso inay xiriir qoto dheer la yeelato gobolka Indo-Pacific.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM