Croatia: haweeneydii ugu horreysey oo madaxweyne loo doortey

Image

January 12, 2015 (GO)- Kolinda Grabar-Kitarovic ayaa ku guuleysatey wareegii labaad ee doorashadii madaxtinimada dalka Croatia, waxayna noqonaysaa haweeneydii ugu horreysey taariikhda dalkaas ee xilka madaxweynaha qabata.

Kolinda, oo horay usoo noqotey wasiirka arimaha dibadda Croatia iyo weliba danjiraha dalkaas u jooga Maraykanka, waxay hal dhibic kaga adkaatey madaxweynihii hore Ivo Josipovic iyadoo heshay 50.54% tirada guud ee codadka.

Mar ay goob fagaare ah kula hadlaysey kumannaan kamid ah taagereyaasheeda, waxay sheegtay inay filaysay guusha, maadaama sida ay tilmaantey dadku is-beddel doon ahaayeen.

Arimaha ay carrabka ku adkeysey inay si weyn diiradda u saari doonto waxaa kamid ah kobcinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhimi lahaa heerka shaqo la'aanta oo xilligan gaarsiisan 20% tiradaasoo aad u sareysa marka loo barbar dhigo dalalka kale ee Midowga Yurub.

Guusha Kolinda waxay horseedeysaa in xisbiga Midowga Dimuqraadiga ah ee Croatia oo siyaasadiisu tahay midig dhexe hoggaanka u qabto dalka Croatia shanta sano ee soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM