Cruz oo guuleystay codadkii Jamhuuriga Iowa

Image

Musharaxa madaxtinimada Maraykanka Ted Cruz, ayaa ku guulaystay codadkii ugu horreeyay ee isreebreebka musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee lagu qabtay gobalka Iowa.

Wuxuu helay 28% codadkii la dhiibtay ee Jamhuuriga. Waxaa ku soo xigay ninka la filayay in uu ku guulaysan doono codadka ergada Donald Trump oo helay 24%. 

Iyadoo codadkii Dimuqraadiga kalabar ka badan la tiryay ayaa musharaxa Hilary Clinton, waxa ay aad isaga ag dhawayihiin ninka kula loolamaya hogaanka xisbiga Senator Bernie Sanders.

Ergada Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa isugu soo aruuray in ka badan kun goobood oo ka tirsan gobalkaasi.

Xigasho:BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM