Daacish oo sheegatay mas'uuliyadda qarax lagu weeraray Qabuuro

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Maleyshiyadda ISIL ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerar lagu ekeeyay munaasabad Arbacadii ka dhacdey xabaasha dadka aan Muslimka ahayn ee Jeddah, Sacuudiga, kuna dhaawacmeen afar qof.

Daacish ayaa sheegashada soo marisay war-saxaafadeed ay ku daabacdey wakaalada wararka Amaq, sidda laga soo xigtay SITE Intelligence Group.

Sidda ku xusan sheegashadooda, "dagaalameyaasooda ayaa waxay qarax ku duugeen gudaha qabuuraha" halkaasoo diblumaasiyiin ay joogeen.

Afhayeen u hadlay gobolka Maka ayaa tilmaamay in ay bilaabeen baariaan ay kusoo bandhigi doonan cidda fududeysay weerarkaas, isagoo xusay in la ciqaabi doono.

Isagoo weerarkaas ku sifeeyay mid fashilmay, afhayeenka ayaa ka dhawaajiyey in ay soo kabasho u rajeynayaan bukaanadda "ficilkaas wuxushnimada ah".

Munaasabadda ayaa lagu xusayey dhamaadka dagaalkii koowaad ee aduunka, waxaana diblumaasiyiinta goobjooga ahayd ay ka kala socdeen safaaradaha Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Imaaraadka iyo qaar kale oo badan.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku cambaareeyeen falkaas, iyagoo garab istaag iyo taageero ku aadan baaritaanka u sameeyay boqortooyadda Sacuudiga oo rajeyneysa in dambiileyaasha la qaban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM