Daadad in ka badan 150 qof ku dilay India iyo Nepal

Image
Guryo badan ayaa ku quusay ama ku burburay dhagxaan kasoo dhacay dhul go'.

NEW DEHLI, India - In ka badan 100 qof ayaa dhimatay kadib markii roobab mahiigaan ah ay dhaliyeen daadad ka dhashay gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya iyo qeybo ka mid ah Nepal.

Guryo badan ayaa ku quusay ama ku burburay dhagxaan kasoo dhacay dhul go'. Illaa 50 qof, oo ay ku jiraan shan ka soo jeeda hal qoys, ayaa ku dhintay Uttarakhand iyo tiro la mid ah Nepal, iyadoo tobanaan kale la la'yahay labada waddan.

Roobkka oo wali ku da'aya koonfurta gobolka Kerala ee Hindiya ayaa sidoo kale dhaliyay fatahaado galaaftay nolosha 39 ruux, sida ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Lix mayd oo dheeraad ah ayaa Arbacadii laga helay Uttarakhand, taas oo tirada dhimashada ee gobolka Himalayan, oo ah goob dalxiis caan ah, ka dhigtay 52.

Iskuulada waa la xiray waxaana la hakiyay hawlihii diinta iyo dalxiiska ee gobolka. Laakiin Waaxda Saadaasha Hawada ee Hindiya ayaa sheegaysa in roobabka hadda ay yaraanayaan.

Roobabka ka da'a Nepal ayaa laga yaabaa inaanay si dhakhso ah u joogsan. Meelaha ugu daran ee ay saameysay waa degmada Panchthar ee bariga Nepal, iyo Ilam iyo Doti oo ku taal galbeedka Nepal.

Samatabbixiyeyaashu waxay la halgamayeen inay gaaraan 60 qof oo muddo laba maalmood ah ku xannibnaa tuulada Seti ee galbeedka Nepal, sidda wakaaladda wararka Reuters ay werisay.

Dowladda Nepal ayaa siineysa $1,700(£1,220) qoysaska iyo dhibbane kasta oo daadad ah. Dhankeeda, dowladda Hindiya waxay dhibaneyaasha siineysaa $5,300 si noloshooda ay ugu kabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM