Daadadkii ku dhuftay Liibya: Magaalo lagu qiyaasay dadkii ku dhintay 20 Kun oo qof

Image

DERNA, Liibya - Duqa magaalada Derna, Cabdulmuncim Al-Ghaithi, ayaa sheegay Arbacada in tirada dadka ku dhintay magaalada kadib daadadkii ku dhufatay Liibiya ay ka badan karto 20,000 oo qof.

Al-Ghaithi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay burburka soo gaaray magaalada ku taalla bariga Liibiya, taasoo ka dhalatay daadadka ay sababtay duufaanta “Daniel”.

Mas’uulka ka tirsan maamulka magaalada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xaaladda magaalada Derna ay aad u adagtahay, isaga oo yiri:

"Tirada dhimashada waxay dhaafi kartaa 20,000, marka la eego tirada dadka ku nool meelaha ay dhibaatadu saameysey."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM