Dab qabsadey keymaha magaalooyinka dalxiiska Turkiga

Image
Image

ANKARA, Turkey - Kumanaan ka mid ah shaqaalaha dab-damiska ayaa la dagaallamaya daminta dab qabsadey tuulooyinka iyo meelaha loo dalxiis tago ee ku yaal xeebaha Mediterranean-ka iyo Aegean-ka waddanka Turkiga.

Dedaalada waxaa qeyb ka ah diyaaradaha qumaatiga u kaca. Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in ay dabkan ugu dhinteen magaalada Manavgat, 75 km (45 miles) oo dhanka bariga dhigeeda Antalya. Wasiirka Magaaleynta Murat Kurum ayaa sheegay in dadwayne laga daadgureeyay 27 xaafadood oo kamid ah meelaha dabka uu saameeyay.

Wararka qaar waxay xusayaan in afar qof ay geeriyootay tobaneeyo kalena isbitaal loo qaaday. Baaritaan ayaa la bilaabay si loo ogaado waxa sababay dabka iyo mudada ay qaadan karto in laga takhaluso.

Isaga oo booqasho ku jooga magaaladda Manavgat, Wasiirka Beeraha Turkiga, Bekir Pakdemirli, ayaa carabka ku adkeeyay in xakamaynta dababka ay qaadan karto waqti badan.

Pakdemirli ayaa sheegay in dabku uu ka kacay lix gobol waxayna saraakiishu ballan qaadeen in ay la xisaabtami doonaan cid kasta oo lagu helo in ay mas’uul ka tahay dabkaas.

Hal qof ayaa maydkiisa laga helay Khamiistii agagaarka Mugla ee Marmaris, oo 290 km galbeed ka xigta Manavgat. Dabka ayaa ka sii fiday Marmaris "laakiin meelaha la deggan yahay khatar kuma ahan," ayuu yiri Pakdemirli.

"In ka badan 70 keymo oo ku yaala gobollo dhaca xeebaha Aegean iyo Mediterranean-ka Turkiga ayaa toddobaadkan dab ka kacay," ayuu yiri Madaxweyne Tayyib Erdogan, isagoo intaas ku daray in 14 ay weli gubanayaan.

Erdogan ayaa sheegay in ugu yaraan shan diyaaradood, 45 helikobtarro ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo 1,080 baabuur oo dab -damis ah ay ku lug leeyihiin dadaallada dab-damiska ee 1,140 goobood.

Diyaarado ka yimid Ruushka iyo Ukraine ayaa gacan ka geystay la dagaallanka ololka iyo mid kale oo ka timid Azerbaijan ayaa ku soo biirayay. “Ilaa duhurkii, imaanshaha diyaaraduhu, waxaan u jeesanaynaa jiho wanaagsan," ayuu Erdogan u sheegay wariyeyaasha salaaddii Jimcaha kaddib.

Xafiiska guddoomiyaha Istanbul ayaa mamnuucay soo gelitaanka aagga kaymaha illaa dhammaadka Ogosto si looga hortago dabka. Gubashadda keymaha oo dunida kusoo badanaya waxaa loo aaneeyay isbedelka cimiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM