Dabka ka kacay kaymaha Hawaii oo dilay in ka badan 67 ruux

Image
Jasiiraddan ayaa hoy u ah dad badan oo taajir ah, oo uu ku jiro aasaasaha shirkadda Amazon oo lagu magacaabo Jeff Bezos.

WASHINGTON, USA - Dabka ka kacay kaymaha Hawaii ayaa gaaray heer aad u xun iyadoo dhimashadu ay kor u dhaaftay 67 ruux, taasoo ka dhigaysa musiibadii dabiiciga ahayd ee ugu dhimashada badnayd ee soo marta gobolka.

Boqolaal kale qof ayaa la sheegay in la la’yahay, waxaana laga yaabaa in khasaaraha uu weli sii kororto maadaama dhaawacyadda qaarkood ay aad u liidato xaaladooda.

Dabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo qaar kamid ah dadka deggan Lahaina loo oggolaaday inay si kooban guryahooda ugu soo laabtaan Jimcaha si ay u ogaadaan khasaaraha ka soo gaaray magaaladooda uu dabku baabi’iyay.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aaday iyadoo ay jireen digniino dhowr ah oo ku saabsan in ay wajihi karaan "burbur aan weligood arkin noloshooda".

Saraakiisha gobolka ayaa dib ugu furay Lahaina dadka sita caddaynta degenaanshaha jimcihii markii ugu horeysay tan iyo markii uu ololku si xawli ah u kacay horaantii todobaadkan, kaas oo baabi'iyay inta badan magaalada taariikhiga ah.

Qaar kamid ah qoysaska dadkooda ku waayay musiibadan ayaa waxa ay BBC-da u sheegeen inay ka walaacsan yihiin inay adag tahay in la caddeeyo degenaanshaha.

Jasiiraddan ayaa hoy u ah dad badan oo taajir ah, oo uu ku jiro aasaasaha shirkadda Amazon oo lagu magacaabo Jeff Bezos. Isaga iyo xaaskiisa Lauren Sanchez ayaa ku yaboohay $100m (£79m) si loogu caawiyo dhibanayaasha dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM