Dacwad lagu soo oogay Soomaaliga "dilay" Xildhibaanka UK

Image
Cali Xarbi Cali oo 25-sano jir ah ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo maxkamadda Westminster Magistrates.

LONDON, UK - Soomaali 25 jir ayaa Khamiista maanta ah lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil iyo diyaarinta falal la xiriira argagixiso kadib markii tooreey lagu khaarijiyey xildhibaan Sir David Amess.

Cali Xarbi Cali oo ciidamadda booliska soo qabteen Jimcadda asbuucii hore ayaa ku beegsadey sharci-dejiyaha degaan doorashadiisa Leigh-on-Sea, gobolka Essex todobaadkii lasoo dhaafay.

Sir David, oo ahaa xildhibaan muxaafid ah tan iyo sanadka markii uu ahaa 1983-kii, ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo badan oo tooreey ah, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Mr Cali oo sidoo kale haysta dhalashadda boqortooyadda Ingiriiska ayaa la sheegay in aabihiis uu horey u ahaa la taliyaha ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Nick Price, oo ka tirsan xafiiska Xeer-ilaalinta, ayaa yiri: “Waxaan u gudbin doonnaa maxkamadda in dilkan uu leeyahay xiriir argagixiso, oo ah inuu lahaa dhiirigelin diimeed iyo mid feker ahaanba”.

Mr Cali, oo qoyskiisa ay ku nool yihiin waqooyiga magaaladda London, ayaa weli ku jira xabsi waxaana lagu wadaa inuu ka soo muuqdo maxkamadda Westminster Magistrates.

Kaaliyaha Taliyaha Bilayska Metropolitan, Matt Jukes, ayaa wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, asxaabta iyo asxaabta xildhibaanka, waxaana uu rajo ka muujiyey in cadaaladda ay shaqeyn doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM