Dad badan oo ku dhintey dab ka kacay dhisme ku yaala New York

Image
Image
Image
Tobanaan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo oo ay ku jiraan 13 kale oo xaaladooda ay halis tahay

NEW YORK, USA - Dab ka kacay dabaq dheer oo ku yaala degmadda Bronx ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sababay dhimashadda 19 qof oo ay ku jiraan sagaal caruur ah, sida ay u warantay saxaafadda.

Waa dabkii ugu dhimashadda badnaa muddo soddon sano ah kadib, sida ay ku warantay wakaaladda wararka AP taasoo warisay in dad ku xanibmay qolalka qaar ay ay jebiyeen daaqadaha.

Tobanaan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo oo ay ku jiraan 13 kale oo xaaladooda ay halis tahay, sida ay ku warantay waaxda caafimaadka taasoo tibaaxdey in gurmad badan uu soconayo.

"Dabdamiska ayaa dabaq kasta ka helay dhibanayaal, qaar badan oo wadnaha iyo neefsiga ayaa istaagay," ayuu yiri Guddoomiyaha Dabdemiska Daniel Nigro. "Qaarkood way baxsan kari waayeen sababta oo ah mugga qiiqa," ayuu xusay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in markii hore ay iska indhatireen qaylo-dhaanta qiiqa sababtoo ah digniinaha beenta ah ayaa aad ugu badnaa dhismaha 120-ka unug ah, ee la dhisay horraantii 1970-meeyadii sidii guryo la awoodi karo.

Sanadka markii uu ahaa 2017, 13 qof ayaa dab ka kacay guri dabaq ah kuna yaala Bronx ku nafwaayey, sida laga soo xigtay xogta Ururka Ilaalinta Dabka ee Qaranka.

Dabka Axaddii ayaa dhacay maalmo uun ka dib markii 12 qof, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah, ku dhinteen dab ka kacay guri ku yaal Philadelphia. 1989kii, dab ka kacay dhismo guri ku yaala gobolka Tennessee ayaa galaaftay nolosha 16 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM