Dad badan oo ku nafwaayey qarax ka dhacay dalka Haiti

Image
Ra'iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof.

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari siday shidaal uu ku qarxay magaalada Cap-Haitien ee waqooyiga Haiti, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Sida laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, mas’uuliyiinta ayaa waxay dalbanayaan sahay iyo shaqaale dheeri ah si ay gacan uga geystaan ​​daweynta dhibbanayaasha.

Qaraxa ayaa goor dambe oo Isniintii ah ka dhacay magaalada labaad ee ugu weyn Haiti, oo ku taal xeebta waqooyi ee dalka, halkaas oo dadkii ka badbaaday ay si weyn u jahwareereen.

In ka badan 100 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo sidoo kale gubay ilaa 20 guri oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, sida uu wariyey bogga Almonor.

Sida ku xusan warbixinta boggan maxaliga ah, tiradda dhimashadu way sii kordhaysaa "sababtoo ah dadka ku dhintay guryahooda ayaan weli la tirin".

Ra'iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof. Wuxuu intaas ku daray in Cap-Haitien laga dhisi doono isbitaallo waaweyn si loogu daryeelo dhibanayaasha.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo Haiti ay la daalaa-dhacayso shidaal yari baahsan iyo sicir barar ku yimid qiimaha gaaska, taas oo ay sababeen qayb ka mid ah kooxo hubaysan oo go’doomiyay xarumaha shidaalka ee caasimada Port-au-Prince iyo nawaaxigeeda.

Rabshadaha gaangiska iyo xasilooni darada siyaasadeed ayaa xoogeystay kadib dib dilkii bishii July ee madaxweyne Jovenel Moise. Dalka ayaa sidoo kale ku dhibtooday kasoo kabashada dhulgariir ba'an oo cabirkiisu ahaa 7.2 magnitude bishii Ogosto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM