Dad ku dhamaadey duqeyn ay Israa'iil la eegatay masaajid

Image
Talaabadan ayaa qeyb ka ah xasuuqa aan geedka loogu gaban ee Yahuuda ka wado Gaza.

DOOXA, Qadar - Kooxaha samatabbixinta ayaa baadigoobaya dad badbaaday iyadoo maamulka maxalliga ah uu sheegay in 30 qof lagu dilay weerarro cirka ah oo Israa'iil ku qaaday "guryo nabdoon" iyo masaajid ku yaal bartamaha Gaza.

Shaqaale caafimaad, bukaano iyo barokacayaal Falastiiniyiin ah oo ku xayiran cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa "gabi ahaanba argagaxsan".

Israa'iil ayaa sii daysay ilaa 88 Falastiiniyiin ah oo la xiray maalmihii la soo dhaafay, oo uu ku jiro hal ilmo "aan lala socon", sidda ay ku warantay hay'adda UN-ka ee bini'aadantinimada, OCHA.

"Maxaabiista la sii daayay waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin dhar jiilaal iyo kabo, iyo teendhooyin, marka lagu daro kaalmada lacagta caddaanka ah," ayay raacisay OCHA.

OCHA ayaa waxay caddeysay in dadkan ay doonayaan in laga caawiyo sidii ay ula soo bixi lahaayeen alaabtooda gaarka ah maadaama guriyahooda ay la wareegeen millatariga Israel.

Dadkan waxaa ku jira 60 rag ah oo laga sii daayay xaafadda Gaza ka tirsan ee Kerem Shalom iyo 28 qof oo laga sii daayay laba iskuul oo ay maamusho hay'adda UNRWA oo ku yaalla Rafah.

"Iskuuladan ayaa lix ka mid ah waxaa loo wareejiyay xarun caafimaad kadib markii loo arkay in ay noqon karaan xarumo daryeel caafimaad oo bilow ah iyo gargaar nafsi ah oo degdeg ah," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay hay'adda OCHA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM