Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Image

Diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay dalka Asarbayjan kuna socotay dalka Ruushka ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, waxaana ku dhintay afar qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Duullimaadka nambarkiisu ahaa J2-8243, ee diyaaradda Embraer 190 oo ay saarnaayeen 62 rakaab ah iyo shan shaqaale ah, ayaa lagu qasbay inay si degdeg ah ugu degto meel qiyaastii 3km u jirta Aktau.

32 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ka badbaaday shilkan, waxaana la dhigay isbitaal, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha guud ee Asarbayjan. Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in diyaarada ay ka soo duushay magaalada Baku kuna sii jeeday magaalada Grozny ee Chechnya, balse dib loo celiyay maadaama ay ciiryaamo ka jirtay Grozny.

Horay, dowladda ayaa sheegtay in 25 qof ay ka badbaadeen shilkaasi, iyadoo markii dambe tiradaas laga dhigay 27, 28, ka dibna 29 iyadoo howlgalka baadi-goobka iyo samatabbixinta uu ka socdo goobta shilku ka dhacay.

Rakaabkii la socday diyaaradda ayaa waxaa ku jiray muwaadiniin u dhashay dalalka Azerbaijan, Russia, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan.

Waaxda duulista hawada ee Ruushka ayaa bayaan ku sheegtay in xogta hordhaca ah ay soo jeedinayso in duuliyuhu uu go'aansaday inuu si degdeg ah u dajiyo ka dib markii shimbiro galeen matoorka diyaaradda. Aktau waxay ku taal xeebta Badda Caspian ee Asarbayjan iyo Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM