Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Hindiya

Image
Image

NEW DEHLI, India - Diyaarad ay la socdeen 190 qof kana timid magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta ayaa ku burburtey garoon ku yaala gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya.

Saraakiil ayaa sheegay in shilkaan uu yimid markii dhabaha caga dhigashada ka weecatay xilli ay soo dageysay; geerida 16 ruux ayaa la xaqiijiyey, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Shirkadda Air India Express [AIE] oo lahayd diyaaradda ayaa xustay in laba duuliye ay kamid yihiin dadka dhintay isla markaana 156 rakaab ay dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad looga dayriyey.

Hardeep Singh Puri, wasiirka duulista hawada India, ayaa sheegay in duuliyaha uu xawaare sarre adeegsaday markii uu soo dajinayey diyaaradda ayna baarayaan hadii sababo kale ay jiraan.

Agaasimaha Hay'adda La-tacaalida Musiibooyinka Hindiya, S N Pradhan, ayaa xusay in dhabaha cagadhigashada Calicut oo gaabnaa awadeed uu ka dambeeyay shilkaas diyaaradeed.

"Diyaaradda in ay laba gabal noqoto waxaa keenay markii ay dhaaftay dhabaha waxay ku dhacdey biyo-mareen ah; in uusan dab ka kicin waxay keentay in rakaabka la badbaadiyo," ayuu xusay.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa horkacaya mas'uul iyo jilaayaal caan ah oo midnimo u muujiyey qoysaska eheladooda ku waayey musiibadan, iyagoo dhaawacyada u duceeyay.

Shilalka diyaaradaha ayaa aad looga soo wariyaa koonfurta Aasiya marka la gaaro xagaaga dabeymaha. May, 2010, shil ay gashay diyaarad ay shirkadda AIE waxaa ku geeriyooday 158 oo rakaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM