Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Mareykanka

Image
Dadka la socday diyaaradda ayaa ahaa dalxiiseyaal, sida uu xaqiijiyey taliska ciidanka ilaalada xeebaha Mareykanka. [Photo: AP]

WASHINGTON, USA - Diyaarad dalxiis ayaa ku dhacday koonfur bari gobolka Alaska, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa, sida ay saxaafada kasoo xigatay ilaaladda xeebaha Mareykanka.

Shirkad helikobtar ah ayaa sheegtay in ay aragtay burbur ku yaal goobtii laga baadi goobayay, waxaana cutubyadda ilaalada xeebaha ay heleen burburka abaare 2:40 pm. Ciidamada Gobolka Alaska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in "aragga oo liitay iyo cimilada oo sii xumaanaysa ay caqabad ku noqdeen dadaallada baadigoobka".

Wali lama shaacin jinsiyadaha dadka la socdey diyaaradda ee dhintay. Diyaaradda burburtay Khamiistii oo lagu magacaabo de Havilland Beaver waxaa iska lahayd shirkadda Southeast Aviation LLC.

"Shan rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa ka yimid markabka laga leeyahay Holland America Line Nieuw Amsterdam," ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Markabka ayaa Khamiistii ku hakaday magaaladda Ketchikan ee Jaziiradda Revillagigedo waxaana dib-u-dhigay bixitaankiisa ​​galabta kadib shilka diyaaradda.

Shirkadda oo tibaaxdey in ay murugada la wadaageyso dhamaan dadka qoysaskooda ku waayey dhacdadan ayaa hoosta ka xariiqday in ay bixinayso adeegyada la-talinta martida iyo shaqaalaha.

Ketchikan waxay caan ku tahay in ay ku hakadan maraakiibta dalxiiska ee booqata Alaska, rakaabka markabkuna waxay qaadan karaan diyaarado dalxiis iyo booqasho ay ku tagi karaan dekedda.

Sanadkii 2019 -kii, laba diyaaradood oo ku guda jiay waajibaad indha-indheyn ama kormeerid ah ayaa isku dhacay hawada sare, waxaana ku dhintay lix ka mid ah 16-kii qof ee saarnaa labadda diyaaradood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM