Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Mareykanka

Image
Shirkada iska leh tareenka oo lagu magacaabo Amtrak ayaa sheegtey inay "aad uga xun yihiin" dhimashada.

NEW YORK, USA - Dhowr qof ayaa ku dhintay Mareykanka ka gedaal markii tareen Amtrak uu ka baxay dhabaha gobolka Montana, sida uu sheegay sarkaal u waramay warbaahinta maxaliga ah.

Starr Tyler, oo ka tirsan xafiiska booliska gobolka ee arrimaha dadweyaha , ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dhacdadan Sabtidii.

Shirkada iska leh tareenka oo lagu magacaabo Amtrak ayaa sheegtey inay "aad uga xun yihiin" dhimashada, ayaga oo intaas ku daray inay sidoo kale jiraan dhaawacyo badan.

Waxay sheegtay in tareenka Empire Builder ay saarnaayeen 147 rakaab ah iyo 13 shaqaale ah markii shan baabuur ay ka leexdeen meel u dhow magaalada Joplin markay ahayd 4-ta galabnimo (22:00 GMT).

"Amtrak waxay kala shaqeyneysaa mas'uuliyiinta maxalliga ah qaadista rakaabka dhaawacmay, waxayna si ammaan ah u daadgureyneysaa dhammaan rakaabkii kale," ayay raacisay.

Sababta keentay shilkan ayaa illaa haatan fahfaahin laga bixin. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in tareenka uu ku wajahnaa galbeedka magaalada Seattle kana yimid Chicago.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhowr baabuur oo taagan hareeraha goobta wax ka dhaceen. Rakaabka ayaa taagnaa hareeraha jidka, qaarkood waxay wateen boorsooyin.

Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ayaa sheegay inay u diri doonaan koox ka kooban 14 xubnood, oo ay ku jiraan baarayaal iyo khabiiro ku xeel dheera calaamadaha tareenka si ay u eegaan dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM