Dad ku dhintey iska-hor-imaad ka dhacay caasimada Lubnaan

Image
Isku-dhaca ayaa ka qarxay goob uu ka socdey banaanbax la xiriira musiibadda sanadkii hore ee dekada Bayruut.

BAYTUUR, Lubnaan - Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay 32 kalena waxaa kasoo gaarey dhaawacyo aad u daran kadib markii rasaas ay ka dhacday caasimadda waddanka Lubnaan ee Beyruut.

Toogashadu waxay bilaabatay intii ay socdeen mudaaharaadyada kooxaha Shiicada ee Xisbullah iyo Amal oo ka dhan ah garsooraha baarayay qaraxii sannadkii hore ka dhacay dekedda magaalada.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa waxay sheegeen in dablayda Masiixiyiinta ah ay rasaas ku rideen dadkii badnaa "si ay Lubnaan ugu jiidaan colaad".

Xiisado ayaa ku xeeran baaritaanka qaraxa dekedda. Hezbollah iyo xulufadeeda waxay ku andacoodaan in garsooruhu uu eexanayo, laakiin qoysaska dhibbanayaashu waxay taageeraan shaqadiisa.

Illaa iyo hadda cidna looma maxkamadeyn masiibada dhacday bishii Ogosto 2020, oo ay ku dhinteen 219 qof, dhulkeeduna uu baaba’ay. Iska -horimaadka ayaa socday dhowr saacadood ka hor intaan xasiloonidii la soo celin.

Isbitaalada iyo ilo ciidan ayaa laga soo xigtey in dadka la dilay qaarkood madaxa laga toogtay. Waxaa la sheegay in ay ku jireen haweeney ay haleeshay rasaas habow ah ayaga oo ku sugan guryahooda.

Hezbollah iyo Amal waxay ku eedeeyeen xisbiga Xoogagga Lubnaan ee Masiixiyiinta inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday dibadbaxayaasha. Balse, dhinaca kale wuxuu iska fogeeyay eedeyntan culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM