Dad loo dilay qaarna loo xiray khaarijinta madaxweynihii Haiti

Image

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Afar qof oo looga shakisan yahay inay dileen madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse ayay toogteen ciidamada amaanka, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

Sida laga soo xigtay bayaanka oo lala wadaagay saxaafada, Laba kale ayaa la xiray, halka saraakiishii wali la dagaallamayaan qaar ka mida tuhmanayaashii ku haray caasimadda dalka ee Port-au-Prince.

"Waa la dili doonaa ama waa la qaban doonaa inta hartey," ayuu yiri taliyaha booliska Leon Charles kaasoo wacad ku maray in ay u aargudi doonan hogaamiyihii mayalka adkaa ee waddankaas.

Mr Moïse, oo 53 jir ahaa, ayaa si xun loo toogtay xaaskiisana waa la dhaawacay markii ay weerareen kooxo hubeysan gurgiisa gaarka ah saacadihii hore ee Arbacadii shalay.

Ragga hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa galay guriga gaarka loo leeyahay ee Port-au-Prince saacaddu markii ay ahayd 01:00 waqtiga maxalliga ah (05:00 GMT). Mr Moïse waa ladilay, laakiin Marwada Koowaad Martine Moïse ayaa badbaaday waxaana loo duuliyay Florida halkaas oo lagula tacaalayo xaaladeeda caafimaad.

Waxaa lagu soo waramayaa inay ku sugan tahay xaalad deggan laakiin khatar ah. Taas oo la macno ah in dhaawaca soo gaarey uu yahay mid aan laga soo horudhici karin natiijada kasoo baxeysa.

"Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay [labo]na waxaanu qabanay anagaa gacanta ku hayna," Mr Charles ayaa sidaa ku yiri hadal telefishanka laga sii daayay galinkii dambe ee Arbacadii.

Saddex boolis ah oo la afduubay ayaa la soo helay. "Waxaan ka horjoogsanay [tuhmanayaasha] safarka markii ay ka baxeen goobta uu dambiga ka dhacay," ayuu raaciyay. Tan iyo waqtigaas, waxaa socotay rasaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM