Dad qabow daran ugu dhintay waqooyiga waddanka Pakistan

Image
Nin booliis ah, xaaskiisa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, iyo sidoo kale qoys kale oo shan ka kooban, ayaa ka mid ah dadka dhintay.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay ka dib markii baraf xooggan uu ku dhex xannibay baabuurtooda waqooyiga Pakistan, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Ilaa 1,000 baabuur ayaa go'doonsan iyadoo la sheegay in dalxiisayaal doonayay ay u yaaceen si ay u daawadaan baraf jiilaalka oo ka da'aya buurta sare ee Murree.

Nin booliis ah, xaaskiisa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, iyo sidoo kale qoys kale oo shan ka kooban, ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida uu sheegay adeegga gurmadka degdegga ah ee 1122.

Ciidamada oo kaalin weyn ka qaadanay ololaha samatabixinta waddanka ayaa isku dayaya in ay furaan wadooyinka ayna soo badbaadiyaan dadka wali ku go’doonsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Sheekh Rashiid ayaa sheegay in qalalaasahan ay ka dhalatay tirada dadka u safrayay deegaankaas oo ku yaalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

In ka badan 100,000 oo baabuur ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada go'doosan, iyadoo baraha bulshada ee Pakistan ay buux dhaafiyeen sawirro dad ku raaxaysanaya barafka.

Laakiin Jimcihii, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dalxiisayaashu ay go'doonsan yihiin. Sabtidii, barafkii xoogganaa iyo kororka baabuurta ayaa sababay in maamulku ku dhawaaqo in gobolka uu yahay aag musiibo ah.

Ra'iisul wasaare Imran Khan ayaa muujiyay in uu murugada la wadaagyo dalxiisayaasha, isagoo xusay in aan la saadaalin karin xaalada xigta maadaama cimilada ay tahay mid aan gabi ahaanba aan xasilooneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM