Dadka Isticmaala Baraha Bulshada oo xaqiijiyay riyada 12-jir Falastiini ah oo ay dishay Israa’iil

Image

QASA (GO) - Dadka isticmaala Baraha Bulshada ayaa rumeeyay riyada 12-jirkii reer Falastiin Cawni Al-Dous, kaasoo ku dhintay duullaanka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen marinka Qasa.

Tirada dadka ku xiran Cawni Al-Dous ee barta “YouTube” ayaa kor u dhaaftay hal milyan maalmo gudahood.

YouTube-ka ayaa intaas ugu daray calaamadda caddaysa lahaanshaha, taas oo la ag dhigo magacyada.

Si weyn ayaa looga hadlay geerida wiilkan Falastiiniga ah ee ku dhintay isaga iyo tiro badan oo qoyskiisa ka mid ah duqeymaha Israa'iil.

Ka hor inta uusan dhiman tirada dadka ku xiran Cawni waxa ay ahaayeen dhowr kun oo kaliya.

Waxuuna waagaas sheegay riyadiisa ay tahay in uu gaaro 100,000, 500,000, ilaa hal milyan qof oo isaga ku xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM