Dadka Nigeria oo maanta dooranaya madaxweyne iyo barlamaan
March 28, 2015 (GO)- Lixdan milyan oo qof oo reer Nigeria ah ayaa saaka u dareeraya goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan xildhibaannada barlamanka iyo madaxweynaha dalkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.
Murashaxiinta ku tartamaya dorashada madaxtinimada waxaa ugu cad cad murashaxa xisbiga PDP islamarkaana ah madaxweynaha xilligan haya talada dalka Nigeria Goodluck Jonathan iyo murashaxa xisbiga APC Muhammadu Buhari oo ah sarkaal ciidan horayna jagooyin sare uga soo qabtey militeriga.
Muddo hal maalin ah ayaa loogu talo galay in doorashu kusoo gaba gabowdo, waxayna dadku ku codeynayaan kaarar electronic ah, sidoo kale codadka waxaa lagu tirin doonaa qalab casri ah oo electronic ah.
Hal milyan oo shaqaale ah ayaa ka shaqeynaya goobaha cod bixinta, guddiga doorashaduna waxay sheegeen in natiijada doorashada la shaacin doono 48saac gudahood.
Xisbiga PDP ayaa talada dalka soo hayey laga soo bilaaabo 1999 markaasoo militerigu xukunka dalka wareejiyeen.
Ammaanka oo la adkeeyey:
Ammaanka guud ee dalka Nigeria ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana jirta cabsi laga qabo weerarro ka yimaada dhanka kooxda Boko Haram iyo weliba in rabshado bilowdaan marka la shaaciyo natiijada doorashada.
Labada murashax ee loollanka xooggani ka dhexeeyo (Jonathan iyo Buhari ) oo kala meteleya bulshooyinka muslimka iyo Chrisitan-ka ee dalkaas wada dega ayaa ballan qaaday inay aqbalayaan natiijada doorashada si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dhiig ku daato.
Rabshado ka dhashay doorashadii ugu dambeysey oo dhacdey sanadkii 2011 waxaa sida Qaramada Midoobey sheegtay ku geeriyoodey in ka badan 800 oo qof.
Muhammadu Buhari oo ah nin lagu yaqaan ad-adeyg ayaa laga casbi qabaa inuu jamhad mucaarad ah sameysto haddii doorashada looga adkaado. Buhari ayaa ku guul dareystey saddex doorashado oo tan ka horreeyey.
Doorashadan oo qorshuhu ahaa inay qabsoomto lix todobaad kahor, dib ayaa loo dhigey kadib markii xaaladda amamaanku soo xumaatey qaybo badan oo kamid ah waqooyi-bari dalkaasna ay la wareegeen mileeshiyaadka Boko Haram.
Waa markii lixaad ee doorasho caynkan ahi ka dhacdo dalka Nigeria laga soo bilaabo sanadkii 1999 markaasoo talada dalkaas dowlad madani ahi la wareegtey.
GAROWE ONLINE + Wakaaladaha