Dadka Tunisia oo markii ugu horeysey si xor ah madaxweyne u dooranaya

Image

December 21, 2014 (GO)- In ka badan shan milyan oo qof oo reer Tunisia ah ayaa saaka u dareeraya goobaha cod-bixinta si ay u doortaan madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda dalkaas ee si dimuqraadi ah loosoo doorto. 

Doorashadan oo wareegeedii hore 27 murashax kusoo tartameen waxaa wareegga ugu dambeeya ee maanta dhacaya isugu soo haray labada murashax ee kala ah Beji Caid Essebsi iyo Moncef Marzouki.

Beji Caid Essebsi  oo isagu ah siyaasi ruug cadaa ah islamarkaana wata afkaar cilmaani ah wareegii koowaad ee doorashadana ku hogaaminayey 39.40% ayaa loo badinayaa inuu doorashada kusoo bixi doono.

Guddiga madaxa banaan ee doorashada ayaa shaaciyey in 5.3 milyan oo qof is diiwaan geliyeen si ay uga qayb galaan cod-bixinta oo ka dhaceysa in ka badan 4,500 oo goobood.

Gudoomiyaha guddigaas Shafiiq Sarsaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashada la shaacin doono maalin kadib isagoo uga digey murashaxiinta inay natiijada kahor dhacaan iyadoon si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Dhanka kale ammaanka guud ee dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ee Tunis ayaa si weyn loo adkeeyey cabsi laga qabo weeraro argagixiso darteed.

Dalka Tunisa wuxuu laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatay soo yeeshay labo madaxweyne oo kala ahaa: asaasihii Tunisia-yada cusub Habib Bourguiba iyo Zine  El Abidine Ben Ali oo isagu sanadkii 1987 af-gembi aan dhiig ku daadan xukunka kula wareegey.

Sanadkii 2011 ayaa kacdoon dadweyne oo ka bilowday Tunisa kuna baahay dhammaan dalalka Carabta oo loogu magac adaray (Gugii Carabta) waxaa xukunka looga tuuray Zine El Abidine Ben Ali.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee xor ah ee dalka Tunisia ka dhacda laga soo bilaabo markii uu madax banaanidiisa ka qaatay dalka France 1956. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM