Dadka uu Covid-19 bisha dambe ku dili karo Mareykanka oo la saadaaliyey

Image

WASHINGTON, US – Xarunta xakameynta iyo ka hortagga cudurada ee waddanka Mareykanka ayaa saadaalisay in ka badan 100-kun oo ruux uu Coronavirus ku dli doono gudaha dalkaas, dhamaadka bisha May, sanadkan 2020.

Robert Redfield, oo ah agaasimaha guud ee xarunta, ayaa hadaladaas ka dhawaajiyey Jimcadii, sidda ay ku warantay warbaahinta.

"Waxaanu sameynay 12 odorosyo kala duwan oo ku aadan suurtalgalnimadda dhimashadda Covid-19 ee gudaha Mareykanka. Qiyaastu waxay tahay geeri ka badan doonto 100,000," ayuu soo qoray.

Machadka Daaweynta Caafimaadka iyo Qiimeynta ee Jaamacadda caalamiga ah ee Washington ayaa Talaadadii wuxuu saadaaliyey in dhamaadka bisha August ay geerida ka gaari doonto 140-kun oo qof.

Illaa iyo haatan, Mareykanka ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 1.4 milyan oo kiisas ah, intaas waxaa wehlisa 87,400 oo dhimasho ah.

Jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socota xaaladaha xanuunka ayaa daaha ka rogtay in dadka ka caafimaadaya ay aad u hooseyso.

Tan iyo markii uu bishii December kasoo bilowday magaalada Shiinaha ku taala ee Wuhan, fayruska wuxuu saameeyay 188 dowlado; wuxuu dilay 300-kun dad ka badan, wuxuu halelay 4.5 milyan, 1.6 milyana way ka caafimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM