Dadka uu helaalay Covid-19 guud caaamka oo dhaafay 18 milyan

Image

WASHINGTON, US – Dadka uu haleelay safmareenka halista ah ee Coronavirus guud ahaan caalamka ayaa kor-u-dhaafay 18 milyan, sidda xaqiijisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO.

Sidda ku xusan warbixinta, illaa iyo haatan, 11 milyan ayaa ka bogsaday xanuunkaan faafa, kaasoo ay 690,000 kale ay u geeriyoodeen. Sarre u kaca ku yimaada tiradda waa mid la filan karo xilli kasta.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa wajahaya soo laba-kac-leyn cusub oo ah caabuqa xilli Aqalka Cad uu saadaaliyey in uu ku faafi doono magaalooyinka iyo degaanadda kale ee miyiga waddankaas ah.

Kiiska Covid19 ee gudaha Mareykanka ayaa waxay sii cagacageynayaan 4.68 milyan, halka geerida ay ka badan tahay 155,000 ruux.

Geesta kale, iyaddoo walaac la xiriira cudurka uu jiro, dalka Sri Lanka wuxuu aadayaa doorashooyinka baarlamaanka. Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa wuxuu filayaa in coddeynta ay midnimo horseedi doonto.

Gudaha Ingiriiska, wasaaradda caafimaadka ayaa wadda qorshe lagu xoojinayo awooda dalkaas ee baaritaanadda Coronavirus. Kiiska waxay marayaan 306,000, halka dhimashaduna tahay 46,000 ruux kale.

Ugu dambeyn, Brazil ayaa xaqiijisay 25,800 kiisas cusub iyo 541 kale oo dhimasho ah, taas oo wadarta xaaladaha gaarsiineysa 2.73 milyan, halka dhimashaduna ay tahay 94,000, waana inta la diiwaan-geliyey Axadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM