Dagaal afeed oo dhex maray Israa’iil & Koonfur Africa

Image
Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas inay mas’uul ka tahay dhibaatada ay la kulmayaan Falastiiniyiinta,

QASA (GO) - Israa'iil ayaa ka jawaabtay codsigii Koonfur Afrika ee ahaa in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay soo saarto amar degdeg ah oo ay ku cadeynayso in Tel Aviv ay ku xad-gudbayso Axdiga “ka hortagga Xasuuqa”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa ku eedaysay Xamaas inay mas’uul ka tahay dhibaatada ay la kulmayaan Falastiiniyiinta, waxayna ku eedaysay inay gabaad ka dhigtaan shacabka reer Falastiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in sheegashada Koonfur Afrika ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna intaas ku dartay: "Israa'iil waxay si cad u sheegtay in dadka deggan Marinka Qasa aysan ahayn cadaw, ayna ku dadaalayaan sidii ay u xaddidi lahaayeen waxyeellada ay u geysanayaan dadka aan qeyb ka ahayn dagaalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Lior Hayat ayaa ku sheegay bogga uu ku leeyahay mareegga “X”:

“Israa’iil waxa ay diidday sumcad-dilka ay faafinayso Koonfur Afrika iyo codsigii ay u gudbisay maxkamadda cadaaladda ee Hague.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM