Dagaalka Suudaan oo sababay barakaca ilaa sideed milyan oo qof

Image
Dagaalka Suudaan ayaa horseeday ilaa haatan dhimashada in ka badan 13,000 oo qof.

Khartoum (GO) - Madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa ku dhawaaqay in dagaalladii u dhaxeeyay ciidamada iyo Xoogagga Taageerada degdega ah ee Suudaan RSF ay horseedeen barakaca ilaa siddeed milyan oo qof.

Grande ayaa yiri: “Iyada oo ay Caqabadahaasi jiraan, Itoobiya waxa ay sii waddaa martigelinta dadka ka soo cararay dagaallada iyo rabshadaha ka socda waddamada deriska ah, sida aan shalay ku arkay xuduudda Suudaan”.

Waxa uu intaa ku daray: "Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan shakhsi ahaan uga mahadceliyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sii wadida siyaasadda wanaagsan ee Itoobiya ee ku wajahayso qaxootiga."

Laga soo bilaabo Abriil 15, 2023, dagaalka Suudaan ee u dhexeeya ciidamada daacada u ah taliyaha Ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku xigeenkiisii ​​hore, taliyaha ciidamada taageerada degdega ah, Mohamed Hamdan Dagalo, ayaa horseeday dhimashada in ka badan 13,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM