Dagaalka Ukraine oo kordhiyey qiimaha Dahabka caalamka

Image
Duulaanka Ruushka ayaa u muuqda mid si ba'an saameyn ugu yeeshay dhaqaalaha aduunka.

MOSCOW, Russia - Dahabku waxa uu kor u kacay in ka badan $2,000 ganacsiga Asia iyada oo maalgashadayaasha ay u cararayaan badeecooyinka nabdoon cabsida laga qabo saamaynta dagaalka Ukraine ku leeyahay dhaqaalaha caalamka.

Birta qaaliga ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay uu qiimaheeda kor u dhaaftey aduun lacageed dhan $2,000.80, waana heerkeedii ugu sarreeyay tan iyo Sebtembar 2020.

Ganacsatada ayaa loo diray si ay u badbaadaan iyada oo Ruushku sii wado duulaanka uu ku hayo Ukraine, kaas oo sicirka suuqyadda saliidda aad u qaaliyeeyey markii ugu horeysay muddo 14-sano ah, waxaana laga cabsi qabaa sicir-barar.

Geesta kale, xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen dhimashada 406 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 27 caruur ah lagu dilay dalka Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka 24-kii February.

OHCHR, oo kormeerayaal ku leh Ukraine, ayaa ka digtay in tirada dhabta ah ee dhimashadu ay aad uga badan tahay. Al-Jazeera way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso tirooyinka la bixiyay.

Dhanka kale, waxaa jiray ugu yaraan toddobo weerar oo lagu qaaday kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee Ukraine tan iyo bilowgii weerarka Ruushka, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Laga bilaabo 7-dii Maarso, sagaal dhacdo oo la xaqiijiyay oo ah weerarro lagu qaaday daryeelka caafimaadka ee Ukraine ayaa lagu daabacay Nidaamka Ilaalinta Weerarrada Daryeelka Caafimaadka (SSA).

Tirada weerarrada la xaqiijiyay waxay kor u kacday afar maalin kahor. Mas’uulkan ayaan wax war ah ka soo saarin dembiilayaasha shilalkaasi maadaama aysan hay’adda dabagalka ee WHO aysan u xil saaranayn inay xog ka ururiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM