Dagaallo Dib Uga Qarxay Galbeedka Yemen, 16 Askari oo Dowladda ka Tirsan oo La Dilay

Image

Muqdisho – Ugu yaraan 16 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Yemen ayaa lagu dilay dagaallo culus oo ay la galeen fallaagada Xuutiyiinta ee ka dhacay gobolka galbeedka dalka ee Hodeidah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil dowladda ka tirsan iyo ilo caafimaad. Dagaalladan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu dhimashada badnaa ee gobolkaas ka dhaca sannado badan.

Wasiiru Dowlaha Yemen, Walid al-Qudaimi, oo ka tirsan dowladda caalamku aqoonsan yahay, ayaa Sabtidii sheegay in askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada gobolka Tihama, islamarkaana ay ku geeriyoodeen dagaallo ka dhacay deegaanka Jabal Dabbas.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, Al-Qudaimi ayaa sheegay in askartaasi ay ku dhinteen iyagoo "difaacaya dhulkooda iyo sharaftooda" intii uu socday dagaalka.

Ilo caafimaad ayaa wakaaladda AFP u sheegay in isbitaallada ku yaalla xeebta Badda Cas ay soo gaareen meydadka 16 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo 22 kale oo dhaawac ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Jabal Dabbas ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda habeenkii Jimcaha, isla markaana ay muddo kooban la wareegeen goobahaas, ka hor inta aysan ciidamada dowladda qaadin weerar rogaal-celin ah oo ay dib ugu qabsadeen waaberigii Sabtida.

Sarkaalkan, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin maadaama uusan fasax u haysan la hadalka warbaahinta, ayaa sheegay in tani ay ahayd weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Xuutiyiintu geystaan sannadihii u dambeeyay.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalyahannada Xuutiyiinta ay adeegsadeen toogteyaal (snipers), kuwaas oo sababay inta badan khasaaraha ciidamada dowladda, ka hor inta aysan sidoo kale adeegsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo madaafiic.

Sarkaal kale oo ka tirsan militariga dowladda ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ugu dambeyn dib u celiyeen weerarka Xuutiyiinta kaddib iska horimaadyo socday saacado badan. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiinta ay soo gaareen khasaarooyin, balse ma uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Xuutiyiinta ayaa tan iyo sanadkii 2015 dagaal kula jiray dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay. Kooxdu waxay gacanta ku haysaa caasimadda Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen, oo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Hodeidah, halka dowladda fadhigeedu yahay magaalada Cadan ay maamusho qaybo badan oo koonfurta dalka ah.

Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay la gaaray sanadkii 2022 uu hakiyay dagaalladii waaweynaa, haddana iska horimaadyo goos-goos ah ayaa weli ka socda jiidaha hore.

Dagaalladii ugu dambeeyay ayaa yimid kaddib markii Xuutiyiintu ay hanjabaado u jeediyeen garoomada diyaaradaha iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Sacuudiga, oo taageera dowladda Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles