Dagaalyahannada Xamaas oo wali ku sugan gudaha Israa’iil

Image

QASA - Warbaahinta Israa’iil ayaa daaha ka qaadday, Arbacadii, in qaar ka mid ah dagaalyahannada Xamaas ay weli "ku dhuumaalaysanayaan" dhulka Israa'iil, ka dib markii ay gudaha u galeen 7dii Oct,

Channel 13 ee Israel ayaa sheegay in ay jiraan tobanaan dagaalyahan oo Xamaas ka tirsan kuwaas oo wali dalka ku sugan.

Waxay intaas ku dartay: "Hay'adaha ammaanku waxay ku qiyaaseen in ugu yaraan 20 ka mid ah argagixisada Xamaas ay ku sugan yihiin gudaha dhulka Israa'iil."

"Qaar iyaga ka mid ah way dhuumanayaan, qaarna waxay hoy ka heleen dad gudaha u jooga”. Ayay raacisay.

Mareegta ABC News ee Mareykanka ayaa sidoo kale ka soo xigatay afhayeenka ciidamada difaaca Israel, Major Doron Spielman, isagoo leh: "Weli waxay ku dhuumaleysanayaan koonfurta Israa’iil."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM