Dal cusbooneysiiyey xayiraad uu saarey Soomaaliya

Image

SEOUL, South Korea – Kuuriyadda Koonfureed ayaa waxay kordhisay xayiraad socdaal oo ay kusoo rogtay lix dal oo ay kamid tahay Soomaaliya, sidda ay Talaadadii ku dhawaaqdey Wasaarada Arrimaha Dibada wadankaas.

Waaxda oo go’aankan u cuskatay "khataro amni" ayaa tibaaxdey in xayiraadaas lagu kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah.

Wadamada xayiraadan saameyneyso ayaa kala ah Iraq, Syria, Yemen, Libya, Somalia, Afghanistan iyo koonfurta qaranka Philippines.

Cusbooneysiinta xayiraaddan ayaa dhaqan-galeysa 1-da Febraayo waxaana ay dhamaaneysaa 31-da Julaayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

"Wadamadan la xayiray waxaa loo tixgeliyey in ay ka jirto khatarto weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed taasoo u muuqata in ay sii socon doonto," ayay wasaaradda ku tiri qoraal ay soo saartey.

South Korea ayaa 2007-dii bilowday in ay muwaadiniinteeda ka mamnuucdo in ay booqdaan Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Xayiraada Yemen ayay soo rogtay 2011-kii, halka Libya iyo Jaziiradaha Koonfurta Philippines ay ku dhawaaqdey sanadihii 2014 iyo 2015-kii.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya taas oo beegsata mas'uuliyiinta dowladda, shaqaalaha rayidka, ciidamadda iyo dadka ku dhow. Intaas waxaa wehlisa, in ay dilaan ama afduubtaan ajaaniibta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM