Dal cusbooneysiiyey xayiraad uu saarey Soomaaliya

Image

SEOUL, South Korea – Kuuriyadda Koonfureed ayaa waxay kordhisay xayiraad socdaal oo ay kusoo rogtay lix dal oo ay kamid tahay Soomaaliya, sidda ay Talaadadii ku dhawaaqdey Wasaarada Arrimaha Dibada wadankaas.

Waaxda oo go’aankan u cuskatay "khataro amni" ayaa tibaaxdey in xayiraadaas lagu kordhiyey lix bilood oo dheeraad ah.

Wadamada xayiraadan saameyneyso ayaa kala ah Iraq, Syria, Yemen, Libya, Somalia, Afghanistan iyo koonfurta qaranka Philippines.

Cusbooneysiinta xayiraaddan ayaa dhaqan-galeysa 1-da Febraayo waxaana ay dhamaaneysaa 31-da Julaayo ee sanadkan cusub 2021-ka.

"Wadamadan la xayiray waxaa loo tixgeliyey in ay ka jirto khatarto weeraro argagixiso iyo xasilooni darro siyaasadeed taasoo u muuqata in ay sii socon doonto," ayay wasaaradda ku tiri qoraal ay soo saartey.

South Korea ayaa 2007-dii bilowday in ay muwaadiniinteeda ka mamnuucdo in ay booqdaan Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Xayiraada Yemen ayay soo rogtay 2011-kii, halka Libya iyo Jaziiradaha Koonfurta Philippines ay ku dhawaaqdey sanadihii 2014 iyo 2015-kii.

Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya taas oo beegsata mas'uuliyiinta dowladda, shaqaalaha rayidka, ciidamadda iyo dadka ku dhow. Intaas waxaa wehlisa, in ay dilaan ama afduubtaan ajaaniibta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM