Dalal Yurub ah oo ku heshiiyay aqoonsiga dowladda Falastiin

Image
Dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin aqoonsiga Falastiin.

Qasa (GO) - Dowladaha Ireland, Spain iyo Norway ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah u aqoonsadaan dowlad Falastiin ah, sida ay Jimcihii sheegeen ra'iisul wasaaraha saddexda waddan.

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez oo ku baaqay in la aqoonsado dowlad Falastiin ayaa jimcihii tagay Oslo ka dibna Dublin, halkaas oo uu labo shir jaraa’id oo wada jir ah kula qaatay dhiggiisa Norway iyo Ireland, Jonas Gahr Sture iyo Simon Harris.

Harris ayaa yiri: "Waxaan rumaysanahay in xilligan (aqoonsiga dawladda Falastiin) ay soo dhowdahay, waxaana jeclaan lahayn in dalal kale ay nagu soo biiraan.”.

Dhankiisa, Sanchez ayaa xusay in Ireland iyo Spain ay ka go'an tahay aqoonsiga Falastiin dowlad ahaan marka ay buuxiso shuruudaha iyaga oo aan cayimin waxa ay yihiin.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM