Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Image

Qaahira/Riyaad — Ururka Jaamacadda Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareeyay hadallo ka soo yeeray safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay maamusho dhammaan Bariga Dhexe.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul-Gheit, ayaa sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo “aan macquul ahayn oo aan caqli gal ahayn,” isla markaana ka hor imaanaya mabaadi’da aasaasiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in hadalladaasi ay kaliya sii hurinayaan xiisadaha isla markaana kicinayaan dareenka diimeed iyo qaran, xilli dalalka gobolka ay wadaan dadaallo lagu hirgelinayo xabbad-joojinta Gaza iyo bilaabidda hannaan siyaasadeed oo dhab ah oo nabad lagu gaari karo.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa muujisay “yaab” ku aaddan hadallada Huckabee, iyagoo ku tilmaamay “xadgudub cad” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Wasaaraddu waxay ku celisay mowqifka Masar ee ah in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ama dhul kale oo Carbeed.

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya, Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa isaguna cambaareeyay hadallada Huckabee, isagoo sheegay inay dejinayaan tusaale khatar ah isla markaana muujinayaan ixtiraam la’aan ku wajahan xiriirka u dhexeeya dalalka gobolka iyo Mareykanka.

“Hadalladan xagjirka ah waxay horseedi karaan cawaaqib xumo halis ah, waxayna khatar gelinayaan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu wasiirku ku qoray bartiisa X.

Wareysi uu siiyay weriyaha caanka ah Tucker Carlson oo la baahiyay Jimcihii, Huckabee ayaa ku dooday in Israa’iil ay leedahay “xaq diin ku saleysan” oo ay ku maamuli karto inta badan ama dhammaan Bariga Dhexe, isagoo xusay in “aysan dhibaato lahayn haddii ay wada qaadato.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM