Dalalka gaashaanbuurta NATO oo yeelanaya difaaca midaysan

Image
Talaabadan ayaa waxay kusoo aadaysaa xilli Ruushka uu diyaarinayo abaabul ka dhan ah Ukraine.

ANKARA, Turkey - Wasiirka gaashaandhiga ee dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO ayaa ku kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga yurub iyaga oo arrinsaday arimaha difaaca.

Xaaladda Ukraine ayaa hareysay kulamadda iyada oo xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, uu wariyayaasha u sheegay in la isla soo qaadayo sidii sahay looga gacan siin lahaa dalkan.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa shirka ka qayb galaya isaga oo sidoo kale ka qayb ah kulanka kooxda xiriirinta taageerada difaaca Ukraine oo uu dagaal ka holcayo.

Sanad ayaa kasoo wareegtay markii Ruushka ciidamadiisa galiyay Ukraine iyada oo tobanaan kun oo qof dhinteen, malaayiina ay ka qaxeen guryahoodii.

Xeel-dheerayaasha ayaa waxay ka digayaan in dagaalku uu sii socdo isla markaana Ruushka uu qaban-qaabinayo in uu abaabulo dagaal kale oo looga soo horjeedo dadaaladda reer galbeedka.

Dalalka NATO ayaa iyaga oo ka duulaya xogaha sirdoon ee ay helayaan waxaa ay bilaabeen in ay ciidamo ku uruuriyaan bariga Yurub si ay uga gaashaantaan abaabulka Moscow.

Ciidamadda Mareykanka ayaa kali ku ah qaaradda Yurub waxaana la filayaa in ay ku biiraan boqolaal askari kale. Hase ahaatee, tani waxaa laga cabsi qabaa in ay sii dardargeliso colaadda Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM