Dalalka Iiraan u Oggolaatay Inay Maraakiibtoodu Ka Gudbaan Marinka Hormuz
Iyadoo uu socdo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinaca kale ah, Tehran ayaa sheegtay in Marinka Hormuz uu u furan yahay maraakiibta caalamka marka laga reebo kuwa Mareykanka iyo xulafadiisa. Marinkan muhiimka ah ayaa ah marin ay maraan qiyaastii shan meelood meel shidaalka dunida.
2-dii Maarso, Ebrahim Jabari oo ah la-taliye sare oo ka tirsan taliska ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in marinku “xiran yahay” isla markaana maraakiib kasta oo isku dayda inay ka gudubto la beegsan doono, isagoo xusay in ciidamada badda iyo IRGC ay awood u leeyihiin inay gubaan maraakiibta isku dayda inay ku safraan.
Hadalladaas ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka uu kor u dhaafay $100 foostadii, halka uu ka ahaa qiyaastii $65 kahor dagaalka. Isniintii, qiimaha Brent crude — oo ah cabbirka ugu weyn ee suuqyada caalamka — wuxuu gaaray $105.70 foostadii, taasoo ka dhigan in ka badan 40% koror tan iyo markii dagaalku bilowday 28-kii Febraayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa u sheegay telefishinka Mareykanka ee CBS in dalal dhowr ah ay Tehran la soo xiriireen si ay u helaan oggolaansho maraakiibtooda si nabad ah uga gudbaan marinka. Wuxuu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ay qaadanayaan ciidamada militariga Iiraan, isagoo intaas ku daray in maraakiib ka kala socday dalal kala duwan mar hore loo oggolaaday inay ka gudbaan.
Dalalka Maraakiibtooda La Oggolaaday
Warar kala duwan ayaa tilmaamaya in maraakiib ka kala socda dalal dhowr ah loo oggolaaday inay ka gudbaan marinka:
- Pakistan: Markab shidaal oo calanka Pakistan sitay oo lagu magacaabo Karachi ayaa Axaddii ka baxay Gacanka Carbeed isagoo sii maray Hormuz, sida ay sheegtay Bloomberg.
- Hindiya: Safiirka Iiraan ee Hindiya, Mohammad Fathali, ayaa sheegay in qaar ka mid ah maraakiibta Hindiya loo oggolaaday inay ka gudbaan marinka. Dowladda Hindiya waxay xaqiijisay in laba markab oo gaas dareere ah sida ay si nabad ah uga gudbeen marinka iyagoo ku sii jeeda dekedo ku yaalla galbeedka dalka.
- Turkiye: Wasiirka Gaadiidka Turkiga, Abdulkadir Uraloglu, ayaa sheegay in mid ka mid ah 15 markab oo ay leeyihiin shirkado Turki ah loo oggolaaday inuu maro marinka kadib oggolaansho laga helay Tehran.
Dalal Wadahadallo La Leh Iiraan
Dhanka kale, dalal kale ayaa wada dadaallo diblomaasiyadeed si ay maraakiibtooda ugu helaan marin ammaan ah:
- Shiinaha: Sida ay sheegtay Reuters, Beijing ayaa wadahadallo la leh Tehran si loo hubiyo in maraakiibta shidaalka iyo kuwa LNG-ga ee ka yimaada Qatar ay si nabad ah u maraan marinka. Shiinaha wuxuu qiyaastii 45% shidaalkiisa ka helaa marinkan.
- Faransiiska iyo Talyaaniga: Warbaahinta Financial Times ayaa sheegtay in labada dal ay codsadeen wadahadallo la xiriira badbaadada maraakiibtooda.
Qorshaha Trump ee Isbahaysi Badeed
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in la dhiso isbahaysi ciidan badeed oo la shaqeeya ciidamada badda Mareykanka si loo ilaaliyo marinka. Wuxuu ugu baaqay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Faransiiska, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Ingiriiska inay maraakiib u diraan gobolka si loo hubiyo amniga marinka.
Si kastaba ha ahaatee, dalalkaas weli ma aysan muujin taageero cad oo ku aaddan hawlgal militari.
Isniintii, Jarmalka iyo Giriigga ayaa si cad u diiday inay ka qayb qaataan hawlgallo militari. Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa sheegay in intii dagaalku socdo aysan jiri doonin wax ka-qaybgal militari ah, xitaa haddii loo sameeyo howlgal lagu furayo marinka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay in dalkiisu uusan rabin inuu ku lug yeesho dagaal ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe.
Falanqeeye amni oo Bariga Dhexe ka faallooda, Rodger Shanahan, ayaa sheegay in ay u muuqato mid aan macquul ahayn in xulafada Mareykanka ay si degdeg ah ugu biiraan hawlgalkaas, maadaama dalal badan markii horeba aysan taageerin dagaalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dirista maraakiib dagaal ay qaadato waqti dheer, taasoo ka dhigaysa hawlgal noocaas ah mid aan si degdeg ah loo fulin karin.