Dalka Indonesia oo ka baqaya inuu noqdo Somalia

Image

Dalka Indonesia ayaa ka baqaya in marinka maraakiibta ee xuduuda badda ay la wadaagaan dalka Philippines noqdo hoyga burcad badeedka iyadoo loo sheegey gadiidka halkaas isaga goosha iney iska ilaaliyaan, sidaas waxaa saxaafada u sheegey saraakiisha dalkaas.

Dadka ka falanqooda arrimaha ganacsiga ayaa sheegey in baddaas u dhexeysa labadaan dal sanad walba ay marraan badeecad gaareysa $40 billion iyadoo lagula taliyey  maraakiibta sida shidaalka kuwasoo ka imaanaya Badweynta Hindiya ineysan isticmaalin marinka Malacca.

Ugu yaraan 18 Indonesian iyo Malaysian ayaa lagu afduubey weeraro ay ku qaadeen kooxaha tageeran Abu Sayyaf kuwasoo isaga gooshayey badda labadaas dal u dhexeysa. Abu Sayyaf, oo dhowaan tageero u muujiyey kooxda ISIS ayaa madaxfursho gaareysa 1 Million dollar waydiistey dadka Indonesian ah ee la afduubey.

" Ma rabno in aan noqono Somalia cusub" Sidaas waxaa saxaafada u sheegey wasiirkaa difaaca Indonosia Luhut Pandjaitan.

Burcad badeednimada Somalia ayaa hoos u dhacdey kadib markii maraakiibta xamuulka qaateenn ciidamo ilaaliya iyo joogitaanka  beesha caalamka badaha Somalia oo korortey.

Wasiirada arrimaha dibadda wadamada Indonesia, Malaysia iyo Philippines ayaa la filayo a in bisha May 3 kulan ka yeeshaan amni xumada kasoo korortey badaha u dhexeeya dalalkaas.

GAROWEONLINE+ Wakaaladaha

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM