Dalka Kenya oo dhisme mashruuc dhuun shidaal laga weeciyey

Image

KAMPLA- Uganda oo aan laheyn Badd ayaa ku dhawaaqdey in dhuun kuwa shidaalka qaada gaarsiin doono wadanka Tanzania halkaasoo laga dhoofin doono saliida cayriin taasoo wadankaan soo saarayo dhowaan.

Dhuuntaan ayaa loo weecin doonaa dhinaca Koonfureed, iyadoo sababta lagu sheegey weeraro kooxda Al- Shabaab kaga yimaada oo cabsi laga qabo. Kooxdaan ayaa weeraro ka gaysatey goobo u dhow halkii la qorsheynayey in dhuuntaan shidaalka laga dhiso.

Wadanka Uganda ayaa go'aankaan ku sheegey kulan magaalada Kampala uga socdey wadamada ku bahoobey Barriga Africa "East African Community bloc" oo kulmisa Uganda, Kenya, Ruwanda, Tanzania, Brundi iyo Koonfurta Sudan.

1400km dhuuntaan dhererkeedu yahay waxaa ay isku xiri doontaa gobolada ku yaal galbeedka Uganda halka u dhow Hoima, degaankaas oo laga heley shidaal farabadan ayaa la damacsan yahay in laga dhoofiyo dekada Tanga dalka Tanzania. Mashruucaan ayaa hirgalintiisa waxaa uu ku kacayaa aduun gaaraya $4bn islamarkaana u bahan iney ka shaqeyso 15000 qof.

Shidaalka kaydka ah ee laga heley dalka Uganda ayaa lagu qiyaasey 6.5bn oo fuusto taasoo la filayo in wax-soo-saarkiisu bilowdo 2018. France Total, China CNOOC iyo shirkad laga leeyahay dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Tullow ayaa haysta ruqsada lagu soo saarayo shidaalkaan. Dalka Kenya, oo shidaal heley ayaa sidoo kale quudareeynayey in dhuuntaan marto dalkiisa.

Dalka Uganda ayaa horey heshiis ula galey dalka Kenya, laakiin shirkada Total ayaa su'aalo ka keentey welwelka laga qabo dhinaca amaanka. 

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Sam Kutesa ayaa Sabtida 23 April, 2016 sheegey in isbadalkaan la xiriiro dhaqaalaha uu ku kacayo hirgalinta mashruucaan.

" In aan marino dhuuntaan jihada aadeysa dekada Tanga ee wadanka Tanzania waxay la xiriirtaa arrimo badan mid kamid ah waxaa weeye way noo kharash yartahay" sidaas ayuu u sheegey wasiirka arrimaha dibadda Uganda saxaafada mar uu la hadlay AFP.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Uganda qaadato marinka Tanzania ay sababtey madaama dekada Tanga dhameytiran tahay halka Lamu Port weli la dhisayo.Marka la dhameystiro dhuuntaan ayaa noqon doonta midda ugu wayn ee shidaal qaada ee ku taal wadamada Barriga Africa.

Wadanka Kenya ayaa sheegey inuu dhisanayo dhuun shidaal uu iska leeyahay taasoo ka bilaabmi doonta Lokichar taasoo gaaro doonta woqooyi Barri Lamu.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM