Qatar oo lagu eedeeyey "maalgelinta" jabhad argagixiso

Image

LONDON, Uk - Dalka Qatar ayaa asbuucaan Maxkamad ku taal dalka Ingriiska iney boqolaal million oo dollar u dirtey Jabhad ka dagaalameysay dalka Syria oo la yirahado al- Nusra Front, sidaas waxaa shaaciyey jariidada la yiraahdo The Times. 

Sagaal qof oo Siyrian ah ee aan la magaacibin ayaa dhibaatooyin soo gaarey magdhow ka dalbanaya waxayna mas'uuliayda saarayaan Labo Bangi oo Qatarian ah, hay'ado khayriyaad ah, ganacsato iyo siyaasiyiin kuwaas la sheegey in lacago sharci daro ah u dirayeen Jabhadaan markii dambe lala xiriiriyey iney gacansaar la leheyd Al-Qaeda.

Eedeysanayaasha ayaa sida warbixintaan lagu qorey The Times ka mid ah; Hamad bin Jassim al-Thani oo ahaa RW hore dalka Qatar iyo Abdulahadi Mana al-Hajri oo iska leh hotelka la yirahado Ritz Hotel ee ku yaal London. Eedeysanayaasha qareenada matalaya ayaa beeniyey arinka loo hayato.

Dacwadaan oo la geeyey qaybta ganacsiga Maxkmamadda sare ee dalka Ingriska ayaa waxa kamid ah kulamo nimankaan la yeesheen ururka Muslim Brotherhood, lacago la is-daba mariyey kuwaas oo lagu qarsadey dhismayaal laga iibiyey dalka Turkiga kadib lagu maalgaliyey Jabhadaan.

Eedeymahaan ayaa soo shaac bixi doona sida jariidada lagu shaaciyey The Times marka maxmamada furanto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM