Dalka Sucuudiga oo joojiyey duqeymaha dalka Yamen
Dalka Iran ayaa ku tilmaamay go'aanka Sacuudiga uu ku joojiyay duqeymaha ka dhanka ah xuuthiyiinta Yemen in uu yahay hormar wanagsaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wada hadal deg-deg ah la furo, gargaar bini'aadamnimana la gaarsiiyo dalka Yemen.
Af-hayeen u hadlay xulafada Sacuudigu uu hogaminayo ayaa sheegay in ay diiradda saari donaan siidi loo heli lahaa xal siyaasadeed oo dhibaatada ka jirta Yemen lagu soo afjaro, balse waxa uu sheegay in meesha aan laga saari doonin in xoog milatari la adeegsado haddii loo baahdo.
Xigasho: BBC