Dalkii ugu horeeyay oo ku dhawaaqay maalinta curashada bisha Ramadaan

Image
Dalkan ayaa looga dhawaaqay in maalinta Talaadada ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Canberra (GO) - Golaha Fatwada ee dalka Australia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta Talaadada ah ee March 12 ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan ee dalka Australia.

Golaha Fatwada ee dalka Australia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in maalinta Isniinta ah ay ku beegan tahay bisha Shacbaan, isla maalintaas kadib qorrax dhaca ay tahay habeenka koowaad ee bisha Ramadaan iyo oogidda salaadda taraawiixda.

Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee Caalamiga ayaa ku daabacday barta"X": "Muftiga Australia, Golaha Imaamyada Federaalka, iyo Golaha Fatwada ee Australia waxay si rasmi ah u shaaciyeen in Isniinta ay tahay Dhammaystirka bisha Shacbaan, iyadoo maalinta Talaadada ah ee March 12, ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM