Dalkii ugu horeeyay oo ku dhawaaqay maalinta curashada bisha Ramadaan

Image
Dalkan ayaa looga dhawaaqay in maalinta Talaadada ah ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan.

Canberra (GO) - Golaha Fatwada ee dalka Australia ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta Talaadada ah ee March 12 ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan ee dalka Australia.

Golaha Fatwada ee dalka Australia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in maalinta Isniinta ah ay ku beegan tahay bisha Shacbaan, isla maalintaas kadib qorrax dhaca ay tahay habeenka koowaad ee bisha Ramadaan iyo oogidda salaadda taraawiixda.

Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee Caalamiga ayaa ku daabacday barta"X": "Muftiga Australia, Golaha Imaamyada Federaalka, iyo Golaha Fatwada ee Australia waxay si rasmi ah u shaaciyeen in Isniinta ay tahay Dhammaystirka bisha Shacbaan, iyadoo maalinta Talaadada ah ee March 12, ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM