Danjirihii Ruushka ee Soomaaliya oo geeriyooday

Image

MOSCOW, Russia – Safiirkii Ruushka segaashameediyadii u fadhiyey Soomaaliya, Sergei Kuznetsov, ayaa Axadii wuxuu ku geeriyooday magaaladda caasimadda u ah Russia ee Moscow, sidda ay ku warantay saxaafada maxalliga ah.

Kuznetsov oo aan la ogeyn sababta soo dedejisay geeridiisa ayaa haatan wuxuu ahaa danjiraha Ruushka ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safaaradda Ruushka ee Imaaraadka oo war-saxaafadeed kooban ku faafisay ciwaanadeeda baraha bulshadda ayaa u tacsiyeysay qoyskiisa.

Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in uu murugada la wadaagayo ehelka diblumaasiga.

Sergei Kuznetsov oo safiirka Ruushka ee Imaaraadka ahaa tan iyo April 4, 2019 ayaa ku geeriyooday da'da 68-sano jir. Wuxuuna dhashay 1953-dii.

Sanadkii 1976-dii ayuu ka qalinjebiyey Machadka Xiriirka Caalamiga ah ee Mosocw oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka. Waqtigiisa ugu badan wuxuu ku bixiyey howlaha la xiriira diblumaasiyada qarankiisa.

Tan iyo 1985-tii, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Russia iyo Dibadda. Qunsulka guud ee safaaradda Riyadh si lamid ah safiirka Ruushka ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu kala noqdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM