Weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacey Woqooyi Bari Kenya

Image

November 22, 2014 (GO)- Ugu yaraan 28 qof ayaa geeriyoodey kadib markii dabley hubeysan oon haybtooda la garaneyni goor hore oo saaka ahayd (Sabti) rasaas ku fureen dad rakaab ah oo la socdey gaari ka tegey magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya kuna sii jeedey magaalo madaxda dalkaas ee Nairobi.

Dableydaan oo la rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ayaa baska ka leexiyey wadada iyagoo geeyey tuulada Al-carabiya kadibna ku amray rakaabka inay soo degaan dabadeedna tacshiirad ku furay.

Mas'uuliyadda weerarka weli cidi ma sheegan, mana jiro wax war ah oo weerarkaas ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka dowladda Kenya haseyeeshee khasaaraha uu geystey iyo weliba tirada dadka ku dhintay waxaa warbaahinta u xaqiijiyey mas'uuliyiin ka tirsan Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya.

Kenya ayaa soo gelitaaka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. 

Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM