Darawal ka badbaadey xukun u dhigmay cimrigaa haku furto

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii carro dadwayne uu ka dhashay xukunkan aadka u dheeraa.

WASHINGTON, USA - Darawal gaari xamuul ah oo lagu xukumay 110 sano oo xarig ah kadib markii uu shil geystay ayaa laga dhimay mudada xukunka iyada oo looga dhigay 10 sano kaddib kacdoon dadwayne.

Gaariga Rogel Aguilera-Mederos ayaa ku burburay waddo mashquul badan sanadka 2019, isagoo afar qof ku dilay gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

Maxkamadeynta oo si weyn isha loogu hayey ayaa kusoo dhamaatay in lagu helay 27 dacwadood, waxaana garsooraha uu sheegay in sharciga gobolka uu ku qasbay in uu ku rido xukun dheer.

Hase ahaatee Khamiistii, barasaabka Colorado Jared Polis oo warbaahinta kasoo hor-muuqdey ayaa dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray xukun "caddaalad darro ah".

Aguilera-Mederos oo u dhashay dalka Cuba isla markaana la sheega in uu qiraal sameeyay ayaa alwaax ka qaadayay buuraha Rocky Mountains markii shilkan dhacay Abriil 2019.

Baabuurka oo xawaare sarre ku socdey ayaa ku dhex-dhacay jidka mashquulka badan isagoo ololaya taasoo sababtay in uuro iyo qiic badan ay hareeyaan magaalada Lakewood.

Afarta qof ee ku naf-wayday dhacdadan ayaa kala ah Stanley Politano, 69, William Bailey, 67, Doyle Harrison, 61, iyo Miguel Angel Lamas Arellano, 24 kuwaasoo midkood uu isbitaal ku dhintay.

Aguilera-Mederos ayaa u sheegay saraakiisha in uu ka baaqsaday bareega, isla markaana uu isku dayay in uu iska ilaaliyo gawaari kale, maadaama uu xakameyn waayay gaariga xamuulka ah.

In ka badan shan milyan oo qof, oo uu ku jiro xiddigga TV-ga dhabta ah iyo arday sharciga Kim Kardashian West, ayaa saxeexay codsi ku baaqaya in la dhimo xukunkiisa dheer ee xabsiga taasoo aakhirkii guul horseeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM